SHARE

Kuuriyada Waaqooyi ayaa sheegtay in gantaalkii ay tijaabisay Axaddii uu ahaa nooc cusub oo awood u leh inuu xambaaro madax wayn oo nukliyeer ah.

Gantaalkan ayaa sare u kacay 2,000km kuna dhacay meel 700 oo mitir jirta oo ka mid ah galbeedka badda Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Isniintan sheegtay in ay ahayd tijaabo ay ku samaynayeen awoodda gantaal cusub oo ay dhawaan sameeyeen.

Sanadkan ayaa Kuuriyada Waqooyi waxay ku celcelisay tijaabooyin ay ku samaysay gantaallo dhamaantoodse ma ahayn kuwo lagu guulaystay, laakiin dhamaantood waxay ahaayeen kuwo xadgudub ku ah cunaqabatayntii ay Qaramada Midoobay saartay.

Arrintaas ayaa dareen ka abuurtay caalamka, xiisadna kala dhex dhigtay Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi, waxaana sii kordhaya walaaca laga qabo arintan.

kin_7

kin_6

kin_5

kin_4

kin_3

kin_2

kin_1