SHARE

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump oo booqasho ku jooga Bariga Dhaxe ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Falastiin Maxamkuud Cabbaas, waxa ayna kawada hadleen arimo dhoor ah ay kamid yihiin Wadahadalada Falastiin iyo Israa’il.

Kulanka labada Madaxweyne ay yeesheen ayaa xoogiisa looga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadaladii Nabada Bariga Dhaxe ee u dhaxeeyay Dowlada Falastiin iyo Maamulka Israa’il ee xooga ku heesta qeybo badan oo kamid ah dhulka Falastiin.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uu xooga saari doono sidii dib loogu bilaabi lahaa wadahadalada Nabada ee Falastiin iyo Isra’iil, waxa uuna balan qaaday in uu ka shaqeyn doono Nabada Bariga Dhaxe.

Donald Trump oo booqasho ku jooga Bariga Dhaxe ayaa sidoo kale la kulmay Ra’isul Wasaaraha Yahuuda Isra’iil, waxa ayna kawada hadleen arimo badan oo ku aadan colaada Falastiin iyo Cabsida Yahuuda ay ka qabto Iiraan.

cabas_5

cabas_4

cabas_3

cabas_2

cabas_1