SHARE

Weeraro loo adeegsaday gaari caasi iyo mindiyo, ayaa xalay ka dhacay Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo weeraradan ay sababeen khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Rag la socday gaariga caasiga, ayaa caweysnimadii xalay dad ku jiirsiiyay Buundada Magaalada London, xilli dadkaasi ay marayeen hareeraha wadada.

Sidoo kale meel sidaasi uga fogayn Buundada London, ayaa niman mindiyo ku hubeysnaa ay ku dhaawaceen tiro dad ah.

Raggan oo aan heybtoodu weli la aqoonsan, ayaa weerar kale oo 3-aad ka gaystay goob kale oo ku dhow goobihii ay dadka ku waxyeeleeyeen.

Ciidamada ammaanka oo gaaray wadooyinka ay weeraradu ka dhaceen, ayaa xiray wadooyinkaasi, iyagoo markaasi ka bilaabay hawlgalo amni xaqiijin ah.

Booliska Britain, ayaa xaqiijiyay dhimashada lix qof iyo dhaawaca tiro ka badan labaatan kale, waxaana socda baaritaano ku aadan kuwii weerarada soo qaaday.

Booliska, ayaan weli kala cadayn haddii ay gacanta ku soo dhigeen raggii weerarada gaystay iyo haddii kalaba.

Ra’iisal Wasaaraha Britain, Theresa May oo la hadashay Warbaahinta, ayaa sheegtay in weeraradaasi ay u tix-gelinayan mid argagixiso.

London91

London7

London6

London5

London4

London3

London2

London1

London