SHARE

Dhisme weyn oo ku yaallo magaalada London ee dalka Britain, ayaa waxaa qabsaday dab xoogan, kaasi oo si xawli ah ugu sii fiday qaybaha uu ka kooban yahay dhismaha.

Dabaqan uu dabka qabsaday ayaa la sheegay inuu ka kooban yahay 27 dabaq ayna dagan yihiin dad badan, kuwaasi oo qaarkood laga soo saaray halka qaar kalena lala tacaalaayo sidii looga soo saari lahaa.

Illaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dabkaan ka dhacay dhismaha weyn ee ku yaallo Lancaster West Estate ee Magaalada London.

Illaa 200 oo dab damis ah ayaa loo diray goobta uu dabka ka kacay, waxayna la tacaalayaan sidii ay ku damin lahaayeen dabkaasi, iyadoo uusan gaarin meelo ka baxsan dabaqa weyn ee gubanaya.

Waxaa laga cabsi qabaa in dabaqa uu soo dumo, maadaama si weyn uu dabka u sameeyay, meelo badana suuragal ay tahay in dabka uu ku sii fido.

Duqa Magaalada London, ayaa ku dhawaaqay arinta inay tahay mid wayn oo aanan la dhayalsan karin, waxaana uu amray in la kordhiyo shaqaalaha ku hawlan daminta dabkaasi.

Booliska ayaa sheegay dad badan in laga soo badbaadiyay dhismaha gubtay, kuwaasi oo lagu daaweynaayo goobaha caafimaadka.

Dabka-12

Dabka-11

Dabka-10

Dabka-9

Dabka-8

Dabka-7

Dabka-6

Dabka-5

Dabka-4

Dabka-1