SHARE

Qarax aad u weyn ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo ahaa mid si xooggan looga maqlay magaalada oo dhan.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Posh Treats oo ku dhow Isgoyska Banaadir.

Maqaayadan ayaa ah meelaha aadka ugu kulmaan dhalinyarada, sidoo kale waxaa muddooyinkan aheyd meel dadku ay aad ugu afuri jireen

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya qaraxa, waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in qaraxa kadib la maqlay rasaas.