SHARE

Iskahorimaad hubeysan oo u dhexeeyo maleeshiyo beeleed iska soo horjeeda ayaa markale dib uga bilowday deegaanka Baanyaaley ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo weli socda ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay xaqiijiyeen Goob joogayaal halkaasi Ku sugan.

Beelaha dagaalamaya ayaa isku heesta dhul daaq simeed ku yaala Baanyaalay ee degmada Maxaas,waxan dagaalkan uu ahaa mid dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay soo noqnoqonayay.

Dadaalo lagu doonayay in lagu qaboojiyo xiisada ayaa suurtogeli weyday iyadoo shalay ay halkaas gaareen oday dhaqameedyo iyo waxgarad ka kala yimid magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusomareeb.

Qasaaraha ka dhashay dagaalka ayaan si dhab ah loo ogeyn hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in dad ku dhaawacmay dagaalkii saaka dib uga qarxay Baanyaaley in la geeyay magaaloyinka Dhuusomareeb iyo Beledweyne.