SHARE

Sawirro dheeraad ah ayaa laga soo qaaday weerarkii abaabulnaa ee Ururka Al Shabaab ay ku qaadeen Maqaaxida Pizza House oo ku taalla degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan meel ku dhow Isgoyska Zoobe.

Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa baahisay sawirradan dheeraadka ah ee laga soo qaaday Maqaaxida Pizza House oo xalay Shabaabka ay weerareen.

Sawirrada laga soo qaaday goobta uu weerarka ka dhacay ayaa muujinaya in goobta ay ku sugnaayeen dad shacab ah oo halkaasi ku damaashaadayay.

Sidoo kale sawirrada waxaa lagu arkayay gabdho yar yar oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo meydkooda hal meel lawada dhigay, inta la dilay.

Saraakiisha laamaha ammaanka Dowladda Federalka waxay sheegeen weerarkan in ay ku dhinteen 18 Qof oo shacab ah, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana macquul ah in tirada intaasi ay ka badato.

Goobta Shabaabka ay weerareen ayaa waxaanan joogin cid dowladda ka tirsan ama bartilaameedka uu ahaa, taasi ay muujineysa in Shabaab ay bartilmaamedsanayeen dadka rayidka ah.

Sawirro-dheeri-ah-11

Sawirro-dheeri-ah-10

Sawirro-dheeri-ah-9

Sawirro-dheeri-ah-8

Sawirro-dheeri-ah-7

Sawirro-dheeri-ah-6

Sawirro-dheeri-ah-5

Sawirro-dheeri-ah-4

Sawirro-dheeri-ah-3

Sawirro-dheeri-ah-2

Sawirro-dheeri-ah-1