SHARE

Dagaalyahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday Magaalada Buulo burd ee Gobolka Hiiraan oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM.

Wararka laga helaayo Buulo burde, ayaa sheegaya Shabaabka inay weerarkooda la beegsadeen Saldhiga ciidamada Jabuuti iyo kuwa dowladda ay ku leeyihiin Magaaladaasi.

Weerarka oo ahaa mid culus, ayaa wararka waxa ay sheegayaan in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegayaa inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalka labadaasi dhinac halkaa ku dhexmaray.

FAAFAHINTA WARKAAS WAXAA INOO SOO DIRAY WARIYAHEENA C/SHAKUUR MAXMED XASAN