SHARE

Warqad ka soo baxay Agaasimaha Madaxtooyadda Somaliya Fahad Yaasiin, ayaa lagu amray dadka degan Madaxtooyadda Somaliya inay ka guuraan.

Warqadan ayaa waxaa lagu cadeeyay in arintaan la ogeysiiyay Taliyaha Madaxtooyadda iyo Abaanduulaha ciidanka Madaxtooyada, waxaana la faray dhamaan dadka degan Madaxtooyadda muddo 14 cisho ah inay ku guuraan.

Xilliga loo qabtay dadka degan Madaxtooyadda ayaa waxa ay ku eeg tahay 22-ka Bishan aan ku guda jirno oo ay ka harsan tahay 12 Cisho oo kaliya.

“Si aan u dhisno loona bilaabo shaqada dhismaha waxaan dhamaan dadka kala duwan ee degan dhismaha wayn ee Madaxtooyadda si sharaf leh looga codsanayaa lana farayaa inay ka guuraan dhismaha Madaxtooyadda.” Ayaa lagu yiri qoraalka Warqadda ku qoran.

“Waxaan ku wargelinaynaa dadka degan inay ku baneeyaan muddo dhan 14 maalmood oo ka bilaabanaysa lixda Agoosto kuna eeg 22-ka August.”

Inkastoo muddo 14 Cisho ah loo qabtay dadka inay kaga guuraan Madaxtooyadda Somaliya, ayaa haddana qoraalka Warqada ku qoran wuxuu dhigayaa 16 cisho, maadaama ay ka bilaabanayso 6-da August, ayna ku eeg tahay 22-ka August.

DG2H0ovXcAA7QEI