SHARE

Madaxa fulinta guddiga doorashada Kenya, Ezra Chiloba, ayaa sheegey in hanaanka Computarada ee guddiga aan loo dhicin saacada ka dib markii guddoomiyaha guddigaasi uu sheegay in eedeyntaasi baaritaan lagu sameyn doono.

Mar sii horreysay ayaa hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga waxa uu sheegay in hanaanka combuuterada guddigaasi loo dhacay si codadka loogu shubo Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Chiloba, ayaa sheegey in natiijooyinka hadda lasoo gudbiyey aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.

Mar sii horeysey musharaxa Isbahaysiga NASA Raila Odinga ayaa diidey natiijada horudhaca ah ee muujineysa in Uhuru Kenya uu ku horeeyo 54% codadka oo la tiriyey 91% boqolkiiba.

Musharaxa madaxwaynanimada ee mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan sayray oo diiday natiijooyiinka hordhaca ah oo muujinaya in si wayn uu ugu horeeyo, madaxwaayne Uhuru Kenyatta.

Mr Odinga ayaa saxaafada u sheegay in natiijada ka soo baxaysa doorashada ay tahay”mid been abuur ah”,sababtoo ah buu yiri lama keenin dikumiintiyo cadaynaya natiijada.