SHARE

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay hirgalinta hanaanka Maareynta Maaliyadda Dadweynaha (PFM), kaasi oo qeyb ka ah isbedel dhanka maamulka maaliyadda ee uu sameeyay maamulka G/Banaadir.

Munaasabadda waxaa lagu daah-furay xarunta Maamulka Gobolka waxaana kasoo qeyb galay R/Wasaare Ku Xigeenka Qaranka, Wasiirka Qorshaynta iyo Dib u Dhiska, Wasiirka Amniga, Wasiir Ku Xigeenka Maaliyada, Hantidhowraha Guud ee Qaranka, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay xubno ka socotay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka.

Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo wakiilo ka kala socday World Bank, UNDP, iyo marti ka socotay safaaradaha dalka ku sugan.

Is bedelkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee uu hirgaliyo maamulka, taaba galka hanaankan cusub waxaa uu soo bilowday 1-dii bishii Luuliyo ee sanadkan 2017, iyadoo mudo ka yar laba bilood ay ugu suuragashay Maamulka Gobolka in uu daah furo mashruucan oo ah mid ay maalgalisay.

Nidaamkan ayaa ka caawin doono Maamulka Gobolka habsami u maamulidda hanaanka Miisaaniyadda iyo dajinta habraacyo lagu hago diyaarinta iyo meel marinta Miisaaniyadda, bedelkeeda, qoondeynteeda iyo ansixinteeda sanad kasta, waxaana la gaarayaa nidaam cad oo lagu maamulo maaliyadda Gobolka si loo hubiyo isla xisaabtan dhameystiran.

Taabid Cabid Maxamed, Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho oo hadal kooban ka jeediyay kulan lagu daah-furaya nidaamkan cusub ayaa sheegay in Maamulka G/Banaadir uu hiigsanayo in la hubiyo xoojinta nidaamka maareynta maaliyadda dadweynaha si loo gaaro hufnaan iyo kalsooni uu Muqdishaawiga canshuurta bixiyo ku yeesho Maamulka Gobolka iyo sidoo kale hormarinta adeega asaasiga.

“Waa markii ugu horeysay tan iyo burburkii dowladda dhexe ee somaaliya sanadkii 1991 oo ay D/Hoose ku guuleysato in la soo bandhigo Miisaaniyad sanadeedka D/Hoose,” sidaasi waxaa kulanka ka sheegay Marwo Maluko Dheere C/qadir, Ku Xigeenka Duqa Magaaladda ee Maamulka & Maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyadda ee dowlada fedraalka ayaa bogaadiyay hannaanka cusub ee maareynta maaliyadda dadweynaha (PFM) iyo nidaamka casriga ah ee lagu maamulo miisaaniyada iyo isticmaalka qarashaadka Dowladda Hoose, waxaana ay talaabadan ay ku tilmaameen in ay qeyb ka tahay siyaasadda Dowladda dhexe ee ku aadan hagaajinta iyo hufnaanta maamulka maaliyadda ee qaranka iyada oo la fulinayo go’aanada aynu la qaadanay Hay’adaha caalamiga ah sida IMF iyo World Bank.

?????????????????????????????????????????????????????????
?????????????????????????????????????????????????????????

dadfe

dad

da

aeeq