SHARE

Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Abuu Mansuur Roobow lagu dilay dagaalkii ka dhacay duleedka deegaanka Abal ee Gobolka Bakool, ayaa masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed waxa ay ka hadleen arintaasi.

Ku simaha Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, ahna Wasiirka Beeraha Maamulkaasi Maxamed Xasan Fiqi oo la hadlay Idaacada VOA, ayaa sheegay inuu nool yahay Muqtaar Roobow Abuu Mansuur.

Wuxuu tilmaamay Koonfur Galbeed inay xaqiijisay arintaasi, taasi oo meesha ka saareysa wararkii la isla dhexmaraayay oo sheegayay in Abuu Mansuur dagaalkii cuslaa ee Abal lagu dilay.

“Haa waan kuu xaqiijinaynaa inuu nool yahay, isaga iyo ciidamadiisa, ciidanka Koonfur Galbeed iyo ciidanka Dowladda iyagana waajibaadkooda wixii gurmad ah meelo badan ayeey nimankaan isaga kala imaanayaan gurmadka si aysan u dhicin ciidanka waa in istaraatiijiyad wanaagsan isticmaalaan.” Ayuu yiri Fiqi.

Fiqi, ayaa sheegay in Koonfur Galbeed si toos ah ugu bareerayso dagaal lagu dhibaateynaayo Shabaab, taasina wuxuu ku sheegay inay tahay waxa Maamulka uu u taagan yahay.

Waxaa adag helida xogaha dhabta ah ee dagaalkii cuslaa ee Abuu Mansuur iyo Shabaab ku dhexmaray Gobolka Bakool, balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya saaka goobihii lagu dagaalamay inay tahay xaaladooda mid caadi ah.

Al Shabaab ayaa la soo sheegayaa ciidamo badan oo gurmad ah inay u direen deegaanka Abal, ciidamadaasi oo ka kala baxay Gobolada kala duwan ee Shabaabka ay maamulaan.