SHARE

Guddiga u qaabilsan Urur Goboleedka IGAD doorashadii ka dhacday dalka Kenya (Igad-Eom) ayaa ammaanay hay’adaha doorashada dalka Kenya maamulida doorashada Kenya ka dhacday Talaadadii aynu ka soo gudubnay, iyagoo ku tilmaamay dalka Kenya in uu mudan yahay in wadamada kale ee Afrika ay uga daydaan qabashada doorashooyinka.

Ambassador Tewolde Gebremeskel oo ah madaxa guddiga Igad ee doorashada dalka Kenya ayaa shalay ka sheegay hotel ku yaal magaalada Nairobi in qiimeyntooda bilowga ah ee doorashada Kenya ay tahay mid doorashada ku qabsoontay Nabad,Habsami iyo Madmadow la’aan.

Gebremeskel ayaa intaas ku daray in habsami u socodka doorashada ay ahayd mid waafaqsan dastuurka iyo sharcigaba.

Sidoo kale, Agaasimaha Amniga ee urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta iyo xisbiyada siyaasada in ay tixgeliyaan waxa ay doonayaan shacabka Kenya.

“Waa inay ka baaqsadaan wax walba oo waxyeelo ku ah amniga iyo xasiloonida dalka Kenya.”ayuu yiri.

Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ka joogay oo kormeerayaal ka ahaa doorashadii ka dhacday Kenya 18 ruux kuwaasoo uu ku tilmaamay shabakada warbaahinta ee IGAD inay ahaayeen wakiiladaas “Qaar fududeynayay sidii ay doorasho dimuqraadiyad ku dhisan ay ugaga hanaqaadi lahayd gobolka.”

Amb Gebremeskel ayaa sheegay in goobaha codbixinta magaalada Nairobi la furay xilligii loogu talagalay mana jirin dhibaatooyin ka dhashay habka codeynta.

“Habsami u socodka tirinta codadka ma jirin wax dhibaatooyin ah oo ka jirey,”ayuu sii raaciyay.

Balse Gebremeskel waxa uu sheegay in ay soo bandhigi doonaan warbixin dhamaystiran xilliyada soo socda balse waxa uu carabka ku adkeeyay in doorashadu ay si guul ah ku dhacday.

Hase yeeshee, Musharaxa madaxweyne ee Nasa Raila Odinga ayaa cabasho ka keenay natiijooyinka bilowga ahaa isagoo sheegay in tirinta ay ahayd mid la sii diyaariyay.