SHARE

Wararka ka imaanaya deegaanka Abal ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in xaalada deegaankaasi saaka ay tahay mid degan, kadib dagaal dhiig badan ku daatay oo shalay halkaasi ku dhax aray Dagaalayahanada Al Shabaab iyo dagaalyahano kale oo taabacsan Abuu Mansuur Roobow.

Masuuliiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saakay xaalada deegaanka Abal ay tahay mid degan, waxa ayna tilmaameen in deegaankaasi ay dib ula wareegeen maleeshiyaadkii taabacsanaa Abuu Mansuur.

Dagaalyahanadii Al Shabaab ee shalay dagaalka kula wareegay Deegaanka Abal ayaa dib uga gurtay deeganakaasi kadib markii weerar rogaal celis ah maleeshiyaadka taabacsan Abuu Mansuur ku qaadeen deegaankaasi oo shalay mar laga saaray.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo wadahadalo kula jira Sheekh Muqaar Roobow Abuu Mansuur ayaa ciidamo badan oo gurmad ah u diray deegaanka uu joogo, waxaana ciidankan gurmadka ah ay xireen jidadka Al Shabaab looga soo gurmado.

Kusimaha Madaxweynaha Koofur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay in Abuu Mansuur uu iska difaacay weerarkii shalay Al Shbaaab ku qaadeen, waxa uuna tilmaamay in deegaankii lagu dagaalamay hada gacanta ku hayaan dagaalyahanada taabacsan Abuu Mansuur.

Waxa uu sheegay Fiqi in Abuu Mansuur uu nool yahay uuna ku sugan yahay deegaankii lagu dagaalamay ee Abal, waxa uuna xusay in Ciidamada taabacsn Abuu Mnasuur iska difacaeen weerar dhoor jiho ah oo Al Shabaab shalay ku qaadeen.

Kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in dagaalkii shalay ku dhinteen 20-dagaalyahan oo labada dhinac katirsan, waxa uuna intaa raaciyay in dagaalkaasi Shabaab looga gubay shan gaari halka Abuu Mnasuur uu tilmaamay in hal gaari.

Maxamed Xasan Fiqi ayaa cadeeyay in ciidamo gurmad ah oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaalia loo diray aaga uu joogo Sheekh Muqtaar Rolobow, waxa uu sheegay Fiqi in ciidamadan loogu tala galay in ay xiraan jidadka Shabaab gurmadka usoo mari karaan.

Al Shabaab iyo Sheekh Muqtaar Roobow ayaan labadaba wali si rasmi ah uga hadlin dagaalka xoogan ee shalay ka dhacay Deegaanka Abal ee gobolka Bakool, waxaana dagaalka labada dhinac dhax maray ka dhashay khasaaro aad u xoogan.