SHARE

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta hor-geeyay Baarlamaanka, Golaha Wasiirada cusub ee uu ku dhawaaqay todobaadkii hore, kaddib markii bishii la soo dhaafay ay kalsoonida kala laabteen Xildhibaanada.

Kulanka Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa goob joog ka ahaa 64 Xildhibaan, iyadoo laga akhriyay taariikh nololeedka iyo waayo aragnimada qaar ka mid ah Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay ansixiyaan Golaha Wasiirada, isagoo xusay in Puntland ay xilligan ku jirto xaalad adag, isla markaana aysan ka bixi karin Xukuumad la’aan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa Xildhibaanada ka dalbaday inay cod u qaadeen Xukuumadda, waxaana cod gacan taag kaddib ogolaatay 61 Xildhibaan, halka 3 Xildhibaan ka aamustay.

Tiradan Xildhibaanada codka siisay Golaha Wasiirada ayaa ka badan cododkii ay kalsoonida ku waayeen Golihii wasiirada ee Baarlamaanka codka kalsoonida uu kala laabtay 18 bishii July.

Golaha Wasiirada uu soo magacaabay Madaxweyne Gaas oo gaaraya Kontomeeyo Wasiir ayaa u badan xubnihii kalsoonida lagala laabtay oo kaliya Wasaaradahooda loo kala bedelay, iyadoo 4 Wasiir kaliya ay ku cusub yihiin.

Dadweynaha Puntland ayaa is weydiinaya sida ay ku timid ansixinta Wasiiradan oo ay u badan yihiin xubnihii ay codka kalsoonida u diideen, waxaana soo baxaya warar sheegaya in lacag gaareysa $2 milyan oo dollar lagu bixiyay ansixinta Xukuumadda iyo heshiisyadii ay gashay.