SHARE

Wararka ka imanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay weerar kale ku qaadeen saldhigga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur uu ku leeyahay Deegaanka, halkaasoo arbacadii la soo dhaafay dagaal qaraar labada dhinac ku dhex maray.

Dagaalkan ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, iyadoo wararka laga helay deegaanka uu dagaalka ka dhacay ay yihiin kuwo aad u kooban.

Weerarkan cusub ayaa la sheegay inuu ka dambeeyey markii Al-Shabaab ay maleeshiyo badan keeneen deegaankaasi, kuwaasi oo la sheegay inay qayb ka yihiin weerarkan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab weerar dhowr jiho ku soo qaadeen aagga uu ku sugan yahay Mukhtaar Roobow, isla markaana uu socdo dagaal culus oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa weerar xoog leh ay ku qaadeen Alshabaab fariisimaha uu ku leeyahay deegaanka Abal oo ka tirsan gobolka Bakool, inkastoo uu iska difaacay.