SHARE

Rabshado, ayaa ka dhacay xaafado ka tirsan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ka dib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxtinimada Kenya, sida ay tabinayso Warbaahinta dalka Kenya.

Dadka rabshadaha sameeyay ayaa waxa ay yihiin taageerayaasha Raila Odinga waxaana ay ka careysan yihiin natiijada Doorashada oo ah guusha Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Xaafadaha kala ah Kibera iyo Mathare ee Nairobi iyo xaafadaha kale ee saboolka ah, ayaa lagu soo waramayaa inay yihiin meelaha ay ka dhaceen rabshadaha ay dhigayeen dadka diidan Natiijada Doorashada.

Booliska ayaa dadkaasi u adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, waxaana ay kala cayriyeen dadkii rabshadaha halkaasi ka dhigaayay oo gubaayay taayaro.

Sidoo kale xaafadaha ay degan yihiin dadka saboolka ee Magaalada Nairobi, ayaa laga maqlaayay dhawaqa rasaas dhaceysa, taasi oo lagu soo waramaayo inay ridayeen dadka diidan natiijada doorashada.

Booliska Kenya ayaa heegan buuxa ku jira, waxaana ay u diyaarsan yihiin ka hortagga rabshado kasta oo dadka ay dhigaan, maadaama ay jiraan dad badan oo taageersan Raila Odinga oo ka so horjeeda Natiijada Doorashada.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ayaa Booliska Kenya uga digtay inay rasaas u adeegsadaan dadka shacabka ah ee rabshadaha dhigaayo.

“Boolisku yaanay isticmaalin sunta dadka kaga ilmeysiisa iyo rasaasta nool.” Sidaasi waxaa sheegay Otsieno Namamaya oo ka tirsan Hay’adda Human rigths Watch.

Cabsi badan ayaa ka jirta Magaalada Nairobi oo ku aadan in rabshado ay dhacaan, laakiin Boolis badan ayaa la soo dhoobay guud ahan Magaalada.