SHARE
Incumbent President Uhuru Kenyatta speaks after he was announced winner of the presidential election at the IEBC National Tallying centre at the Bomas of Kenya, in Nairobi, Kenya August 11, 2017. REUTERS/Thomas Mukoya - RTS1BEZ4

Uhuru Kenyatta, ayaa markii labaad oo xiriir ah ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalka Kenya, ka dib markii guddiga doorashada ay ku dhawaaqeen inuu ku soo baxay doorashadii la qabtay maalintii Talaadada.

Guddiga doorashada, ayaa waxay sheegeen in Uhuru Kenyatta oo ka socdo Xisbiga Jubilee uu helay boqolkiiba afar iyo konton (54%) codadkii la dhiibtay, halka Raila Odinga uu helay boqolkiiba afar iyo afartan (44%) codadkii la tiriyay.

Guddiga doorashada dalka Kenya waxay shegeeen dooraashada oo u dhacday si xor ah, ay bulshada Kenya mar labaad soo dooratay inuu hogaamiyo Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa waxa uu markii ugu dambeysay uu xilkan hayn doonnaa shanta sano ee soo socota. Markii ugu horeysay ayaa la soo doortay sanadkii 2013.

Raila Odinga, ayaa horey u qaadacay natiijada doorashada, isagoo dood ka keenay qaabkii lagu waday tirinta codadka. Odinga wuxuuba Khamiistii ku dhawaaqay inuu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee Kenya.

Ka dib markii lagu dhawaaqay in doorashada uu ku soo baxay Kenyatta, ayaa waxaa uu ku baaqay midnimo, wuxuuna taageere-yaasha mucaaradka uu u sheegay inuu isagu yahay madaxweynahooda.

Incumbent President Uhuru Kenyatta speaks after he was announced winner of the presidential election at the IEBC National Tallying centre at the Bomas of Kenya, in Nairobi, Kenya August 11, 2017. REUTERS/Thomas Mukoya - RTS1BEZ4
Incumbent President Uhuru Kenyatta speaks after he was announced winner of the presidential election at the IEBC National Tallying centre at the Bomas of Kenya, in Nairobi, Kenya August 11, 2017. REUTERS/Thomas Mukoya – RTS1BEZ4

Kenyatta3

Kenyatta1

Kenyatta