SHARE

Faah faahin ayaa ka soo baxaya gaari Kooxo hubeysan ku rasaaseeyeen Wadada Via Roma ee degmada Xamar Weyne, iyadoo labo ruux lagu dilay, halka qof kale ku dhaawacmay.

Wararka ayaa sheegaya in kooxaha hubeysan oo watay gaari ay rasaaseeyeen gaari la sheegay inay laheyd Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuula Sheekh Axmed Gabale.

Labada ruux ee lagu dilay gaariga ayaa waxay kala ahaayeen Canab C/llaahi Xaashi oo ka mid aheyd Ururka Haweenka Qaranka iyo Axmed Jaamac oo la sheegay inay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Marwo Batuula Sheekh Axmed Gaballe.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in raggii hubeysnaa ee gaariga saarnaa ay goobta ka baxsadeen, markii ay weerarka fuliyeen.

Ciidamada ammaanka oo gaaray goobta uu falka ka dhacay ayaa u suura gelin inay soo qabteen dableydii hubeysneyd ee weerarka ka dambeeyay.