SHARE

Dabley hubaysan ayaa lagu soo waramayaa Saaka inay ku weerareen Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir gaari uu watay Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Somaliya.

Kooxaha hubaysan ayaa beegsaday gaariga uu watay C/laahi Shiikh Cumar oo ah Agaasimaha Waaxda shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaliya.

Waxaa la sheegay Agaasimaha inuu halkaasi ka soo gaaray dhaawac, loona qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho, kadib markii dableydii hubaysnayd rasaastii ay fureen uu ku dhaawacmay Sarkaalkaasi.

Xilliga gaariga la weeraray ayaa wuxuu Shidaal kaga shubanaayay Agaasimaha Waaxda shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaliya meel u dhaxeysa Degmooyinka Wadajir iyo Dharkiinley.

Raggii hubaysnaa ee falkaasi ka dambeeyay, ayaa durba meesha ka baxsaday, waxaana halkaasi tagay ciidamo ka tirsan Dowladda Federalka Somaliya oo baaritaano bilaabay.

Dhacdooyinkii lidiga ku ahaa dhanka ammaanka ayaa dib uga biloowday Degmada Dharkiinley ee Gobolka Banaadir oo ah Degmada ay ka dhacaan dilalka ugu badan ee Muqdisho ka dhaca.