SHARE

Ciidamada Maamulka Puntland, ayaa gacanta ku soo dhigay 18 nin oo kalluumeysato ah, una dhashay dalka Iran, xilli ay ka kalluumeysanayeen Xeebaha Somaliya.

Kalluumeysatada reer Iran oo watay laba doomo, ayaa si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay Xeebaha Gobolka Bari, waxaana maalintii Jimcaha ku baxay Ciidamada Booliska Qaybta Ilaalada Xeebaha, iyagoona gacanta ku soo dhigay mid ka mid ah doomahaasi, halka middii kalena ay baxsatay.

Taliyaha Ciidamada Dekeda Boosaaso, Korneyl Maxamed Cabdi Xaashi, ayaa waxa uu xaqiijiyay in hawlgalkaasi uu ku dhintay naaquudihii doonida la soo qabtay. halka hal baxaarina uu ku dhaawacmay.

Taliyaha oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sidoo kale xaqiijiyay in doonida maalintii Sabtida la keenay Dekeda Magaalada Boosaaso, waxaana doonida saaran laba tan oo kalluun ah.

Taliyaha, ayaa intaa ku daray in soo qabashada raggaasi lagu wargeliyay Hay’adda Garsoorka Puntland, iyadoo ayna dhawaan cadaaladda horkeeni doonaan.

Korneyl Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu sheegay in maxaabiistan loo gudbin doono xabsiga, illaa iyo inta lagu qaadayo waxa uu sharciga ka qabo falka lagu soo qabtay.