SHARE

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka telfoonka kula hadlay Dhigiisa dalka Masar C/fataax Al-Sisi, waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadleyn arimo dhoor ay kamid aheyd xoojinta xariirka labada dal.

Farmaajo ayaa uga warbixiyay Madaxweynaha Masar xaalada Soomaaliya iyo horumarada dowlada gaartay, waxa uuna uga mahad celiyay Dowlada Masar taageerada ay siiso dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale kawada hadlay qaabka ugu haboon ee lagu xoojin karo xariirka u dhaxeeya Dowladaha Masar iyo Soomaaliya, waxa ayna isla qaateen in laga shaqeeyo xoojinta xariirka labada wadan.

Madaxweynaha dalka Masar ayaa u balan qaaday dhigiisa Somaaliya in uu taageeri doono dowlada, waxa uuna Sheegay Al Sisi in Masar dowlada Soomaaliya soo tagaeereysay sanado badan ayna sii xoojin doonaan taageerada.

Farmaajo ayaa bishii hore safar ku tagay magaalada Qaahira ee Caasimada dalka Masar, waxa uuna hakaasi kula soo kulmay Madaxweynaha dalka Masar C/Fitax Al Sisi ay kawada hadleyn arimo badan oo muhiim ahaa.