SHARE

Ciidamada maamulka Puntland ayaa howl gal qorsheysan ka wada qeybo kamid ah buuraha Galgala iyo deegaano kale oo ay ku sugan yihiin Alshabaab.

Ciidamada oo ka jawaabaya weerarada ka dhacay magaalada Bosaso ayaa baaritaano ka sameeyay guryo dhowr ah oo la sheegay inay ku dhuumaaleystaan alshabaab.

Baaritaanada ay wadaan ciidamada ayaa qeyb ka ah buuraha Galgala oo iyana ay gaaren ciidamo aad u hubeysnaa kuwaa oo la sheegay inay halkaa kusoo qabqabteen dhalinyaro laga shakiyay.

Deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Bosaso ayaa waxaa ka dhaca falal amni darro oo ay geystaan Alshabaab kuwaa oo lala eegto ciidamo ka tirsan maamulka iyo ganacsato.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka socda looga gol leeyahay in deegaanka looga saaro Alshabaab.