SHARE

War murtiyeed ka kooban illaa 16 qodob ayaa goor dhow laga soo saaray shirka Wadarashiga ee Kismaayo ugu socday Madaxda dowladda Goboleedyada kala ah Jubbaland, Puntland, Hirshabeelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug.

War murtiyeedka oo goor dhow heshay saxaafada ayaa waxaa qodobada looga hadlay ka mid ahaa arrimaha Siyaasadda, Amniga, Federaaleynta, Dastuurka, Kaalmada Caalamiga, waxaana talooyin iyo baaq loogu jeediyay dowladda Federaalka.

Hadaba halkan hoose ka akhriso nuqulo ka mid ah War murtiyeedka oo aan helnay:-