SHARE

Madaxweynihii dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo 37 sano ahaa hogaaminayay wadankaas ayaa ku dhowaaqay inuu is casilay.

Is casilaada Mugabe ayaa ka dambeysay kadib markii xisbiga talada haya uu ka codsaday inuu is casilo waqtina u qabtay. Waqtigii loo qabtay oo dhamaatay isla markaana uu gudiga fulinta xisbiga uu bilaabay inuu go’aan ka qaato ayuu Mugabe u gudbiyay qoraal uu isku casilay.

Madaxweyne Mugabe ayaa hore u diiday in uu ka dego talada wadankiisa kadib markii ciidamada Milatariga ay la wareegeen maamulka dalka Zimbabwe.

Sababaha soo dedejiyay is casilaadiisa ayaa waxaa ugu weynaa kadib markii uu xilka ka qaaday labo toddobaad kahor Madaxweyne ku xigeenkiisii Emmerson Mnangagwa.

Kadib markii uu xilka ka qaaday ku xigeenkiisa ayaa loo arkay in uu wadada u baneynayo xaaskiisa Grace inay la wareegto talada dalka Zimbabwe.