SHARE

Sacuudiga ayaa sheegay inuu ka hor-tagay gantaal nooca Balaastik ah oo Xuutiyiinta Yemen ku soo rideen dhinaca magaalada Riyadh, iyadoo gantaalkaas lagu bur buriyay hawada.

Telefishinka Sacuudiga ayaa sheegay in Gantaalkan lagu bur buriyay hawada, intii uu ku soo socday magaalada Riyadh.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qiiq iyo uuro cirka laga arkayay, markii gantaalka hawada lagu bur buriyay.

Xuutiyiinta Yemen ayaa Telefishin ay leeyihiin oo lagu magacaabo Al Masirah ayaa sheegay in gantaal nuuca Burkan 2 oo ah Balastik ay ku rideen dhinaca Qasriga Madaxtooyada ee Yamama.

Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii Xuutiyiinta Yemen ay gantaal ku soo rideen meel ku dhow garoonka diyaaradaha magaalada Riyadh.

Xulafada uu hoggaaminayo Sacuudiga ayaa wali wada dagaalka ka dhan ah Kooxaha Xuutiyiinta ee maamula magaalada Sanca iyo qeybo ka mid ah dalka Yemen.