SHARE

Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, halkaasi oo lagu wado saacadaha soo socda ee maanta inuu gaaro Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Ciidamada Puntland ayaa lagu daadiyay xaafadaha kala duwan ee Magaalada Garowe, halkaasi oo xalayba la sii dhigay, waxaana ay sameeyeen hawlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay.

Saraakiil ka tirsan Villa Somaliya ayaa xaqiijiyay Madaxweynaha Somaliya gelinka hore ee maanta inuu tagaayo Magaalada Garowe.

Ciidan ka tirsan Koofi Gaduuda Madaxtooyada Somaliya ayaa shalay diyaarad looga qaaday Muqdisho, waxaana la geeyay Magaalada Garowe, si ay u hubiyaan ammaanka goobaha uu tagaayo Madaxaweynaha dalka.

Safarka Farmaajo ee Magaalada Garowe, ayaa wuxuu ku qotomaa laba arimood oo kala ah, inuu xariga ka jaro Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garowe oo dib u dhis lagu sameeyay.

Inuu ka qayb galo Xaflada Afar sano guuradii ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo ku beegan maalinta berri ah.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tagaayo Magaalada Garowe, tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Somaliya.