SHARE

Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan, qarax gaari lagu xiray ayaa goor dhaw wuxuu ka dhacay halkaasi.

Qaraxan oo ah nooca loo yaqaan dhajiska, ayaa waxaa lagu qarxiyay gaari ay saarnaayeen laba ruux oo dhalinyaro ah sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen.

Gaariga oo maraayay xaafadda Taleex, ayaa markaliya uu qarxay, waxaana dhaawac soo gaaray darawalkii Baabuurka waday iyo ruux kale oo la saarnaa.

Dadka deegaanka waxa ay sheegayaan inaysan aqoon labada ruux ee gaariga uu la qarxay, balse iyaga oo dhaawac ah in meesha laga qaaday, kadib markii ciidamada ammaanka ay gaareen goobtaasi.

Ciidanka ayaa xiray nawaaxiga goobta qaraxa gaariga uu ka dhacay, halkaasi oo Baaris ay ka sameeyeen sida Sarakiisha ay xaqiijiyeen.

Inta badan qaraxyada noocaan oo kale ah ee dhajiska loo yaqaan, ayaa waxaa Shabaab ku xiraan gaadiidka ay leeyihiin xubnaha kala duwan ee dowladda Somaliya u shaqeeya.