SHARE

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya Avv Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta si wadajir xariga ugu jaray Xarunta ugu wayn Taliska Ciidanka Asluubta oo in muddo ah bur bursanayd.

Xaruntan oo ku taalla waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ay ahayd mid muddo dheer bur bursaneyd waxaana hadda dib u dhis ku sameeyay Taliska Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Munaasabadda xarig jarka waxaa wasiirka kala qeyb galay saraakiisha Ciidamada Asluubta oo uu ugu horreeyo Taliyaha Ciidamad Asluubta Soomaaliyeed, saraakiil kale oo lagu casuumay iyo xubno kale.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Somaliya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay muddo kadib inuu xariga ka jaro xarunta Taliska Ciidanka Asluubta.

Wuxuu sheegay in ciidamada asluubta muddo badan ay ku shaqeynayeen marxalad duruufeysan oo dhabar adeeg ay muujiyeen, balse hadda guul ay tahay in xaruntooda xariga laga jaro.

Ciidamada Asluubta Somaliya oo qaabilsan xabsiyada Somaliya ayaa muddo waxa aysan qaadan mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen, inkastoo hadda uu socdo dadaalo lagu bixinaayo mushaaraadka ciidanka.

Taliska Asluubta ee xariga laga jaray maanta ayaa noqon doona xarun dabooli doonta baahiyaha ciidanka asluubta oo muddo xarun la’aan ku shaqeynaayay.