SHARE

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, ayaa la filayaa maanta oo Khamiis ah inuu safar ku tago Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Maamulka Puntland.

Farmaajo ayaa xalay ku hooyday Magaalada Qardho oo kulamo kala duwan uu kula qaatay Isimada deeganada Puntland, gaar ahaan Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si wayn shalay u soo dhaweeyay.

Ammaanka Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga sugaya ciidamada kala duwan ee Maamulka Puntland.

Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku maraayo deeganada Puntland, ayaa waxa ay qayb ka tahay kormeer uu ugu kuurgalaayo deeganada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in safarkiisa Boosaaso, kadib ay u xigi doonto inuu u safro deegaano kale oo ay ka mid yihiin Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Suxufiyiinta la socda Madaxweynaha ayaa waxa ay sheegayaan in qorshaha safarka uu yahay inuu sii maro deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Bari Madaxweynaha Somaliya.

Waa Safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne Somaliyed tan iyo bur burkii uu ku maro deegaano ka tirsan Gobolka Bari, waliba dhanka dhulka uu maro.