SHARE

Dowladda Talyaaniga ayaa labo gaadiidka Gaashaaman ku wareejisay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya iyo Booliska oo uu guddoomay Wasiiraka Amniga Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow.

Dowladda Talyaaniga ayaa deeqdaan Gaadiidka Gaashaaman Soomaaliya u soo marsiisay Ururka Midowga Africa,sida lagu sheegay Barta Twitterka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Dowladda Talyaaniga waxay ka mid tahay dalalka sida aadka ah u daneeya Arrimaha Soomaaliya kana taageerta Arrimaha Militariga iyo dhinacyada iyo horumarineed.

Hase yeeshee dowlada Talyaaniga ayaan hore taageero muuqata u siin dowlada Soomaaliya iyadoo dalal kale oo ay dalka Turkiga ka mid yahay ay dalka Soomaaliya siiyeen gargaar la taaban karo.