SHARE

Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin C/casiis ayaa xil ka qaadis ku sameeyay dhamaan Taliyeyaasha Ciidamada, kaddib wareegto xalay saqdii dhexe uu soo saaray.

Boqor Salmaan ayaa xilalka ka qaaday Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca, dhulka, iyo cirka, taasoo aheyd mid lama filaan ah.

Xil ka qaadistan ayaa la ogeyn sababta ka dambeysa in hal mar Taliyeyaasha xilalka laga qaado, hase ahaatee waxaa lala xiriirnaa dagaalka Yemen oo Xulufada uu hoggaamiyo Sacuudiga ay wali ka adkana la’yihiin Xuutiyiinta.

Maxamed Bin Salmaan oo ah Wasiirka Difaaca Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la sheegayaa inuu ka dambeeyay.

Dhinaca kale Boqorka Sacuudiga ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, waxaana markii u horeysay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay magacawday Wasiir qaabilsan arrimaha Afrika.