SHARE

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu cadeeyo mowqifkiisa siyaasadeed ee ku aadan Khilaafaadka ka dhex taagan Golaha Shacabka & Xukuumadda Federalka Somaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheeda ka daawanaya waxa ka socda Somaliya, gaar ahaan khilaafka iyo isqab qabsiga ka dhex taagan Xukuumadda & Baarlamaanka Federalka Somaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi Iyo Xildhibaanad Sacdiyo oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa ugu baaqay Madaxweynaha inuu cadeeyo mowqifkiisa ku aadan dagaalka siyaasadeed ee socda.

“Madaxweynaha Somaliya Farmaajo ee aan annaga dooranay, maalin waliba marka ay wax dhacaan guri ayuu isku soo xiraa oo waa ka aamusaa, waxaan maanta dhacaya ee Xukuumadda keentay ee uusan wali ka hadlin waa in Madaxweynaha uu ka hadlaa.” Ayeey tiri Xildhibaanad Sacdiyo.

Xildhibaan Zakariye Xaaji Maxamuud Cabdi, ayaa dhankiisa sheegay Madaxweynaha Somaliya in laga doonaayo inuu soo farageliyo xilliyada ay taagan yihiin xiisadaha siyaasadeed ee noocaan oo kale ah.

“Hay’addaha marka ay sidaan oo kale isku qabsadaan isaga ayaa laga rabaa si Dastuuri ah inuu u soo galo, si Odaynimo ah inuu u soo galo, Madaxweynoow waad na maqleysaa shaqadaada qabso.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Zakariye.