SHARE

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa soo dhoweeyay is casilaada la sheegay inuu gudbiyay guddoomiyihii baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa ku tilmaamay Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxmed sheekh Cusmaan Jawaari inuu yahay oday nabadoon ah dalkana ka badbaadiyay burbur iyo dib u dhac markale soo wajihi lahaa.

Xaaf ayaa warkan ka sheegay xilli uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug kana soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Jabuuti.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in dalka Jabuuti uu ugaga soo qeybgalay shir ay isugu yimaadeen madaxda dalka Jabuuti iyo shirkado caalami ah uuna kala hadlay dhismaha dekeda magaalada Hobyo.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmugu Axmed Ducaale Geelle ayaa noqonaya Madaxweynihii ugu horeeyay ee dowlad goboleedyada ee ka hadla warka ku saabsan inuu is casilay Guddoomiyihii Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.