SHARE

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan Duqeyn Diyaaradaha dagaalka ay xalay saq dhexe ka geysteen fariisimo ay ku leeyihiin ururka Daacish meel ku dhaw degmada Qandala ee maamul goboleedka Puntland.

Duqeyntan ayaa waxa ay si gaar ah uga dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaadaar oo ka tirsan Qandala halkaas oo ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka daacada u ah Sheekh Cabdulqaadir Muumin, kahor inta ayan Duqeynta dhicin ayaa Diyaaradaha waxa ay sameeyeen sahmin.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay Dhacdo.com in Duqeyntan lala beegsay farisiin Daacish ay leeyihiin, khasaare dhimasho iyo dhaawc ahna lagu gaarsiiyay, sidoo kalena laga gubay gaadiid dagaal.

Weli ma cadda cidda geysatay weerarkaa iyo cidda wax ku noqotay, laakiin Soomaaliya iyo gobolka Bariba waxaa marar hore duqeyn uga geystay ciidamada Mareykanka ee Africa ka howlgala.

Warbixin ay siideysay Qaramada Midoobey 9-kii November 2017-kii ayey ku sheegtay in Ururka Daacish garabkiisa Somaliya uu si xoogleh ugu kordhayo Gobolka Bari ee Somaliya.