SHARE

Dowladda Qatar ayaa ka hadashay qaraxii Khamiistii galabteeda ka dhacay Garoon Kubbada Cagta lagu ciyaaro oo ku yaallo Magaalada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose.

Qaraxaasi ayaa waxaa la xaqiijiyay geerida 4 ruux oo ka mid ahaa dadkii daawanaayay ciyaarta, sidoo kalena waxaa jiray dhaawacyo ka badan 10 ruux oo shacab ah.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Qatar ayaa lagu sheegay inay aad uga xun yihiin falka lagu beegsaday goob ciyaaro lagu daawanaayay.

Dowladda Qatar waxa ay sheegtay ficilada ay ku kacayaan argagixisada ee ka dhanka ah isdhexgalka Bulshada inay tahay mid abuureyso jawi kale oo xaalad adag ah.

Waxay Qatar ay tacsi u dirtay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed, waxayna sheegtay in ka dowlad ahaan aysan raali ka ahayn gacan ka hadal iyo dilalka la xiriira falalka argagixiso ee aan ulajeedka lahayn.

Qaraxa ka dhacay Garoonka Kubbada Cagta Degmada Baraawe ayaa ahaa miino lagu aasay Garoonka gudihiisa, gaar ahaan goob ay fadhiyeen dad taageerayaal ah oo daawanaayay ciyaar xiiso badan oo dhexmaraysay laba kooxood.