SHARE

Raiisal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulan amniga ku saabsan wuxuu la qaatay Saraakiisha ciidamada Booliska iyo hoggaanadooda.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Yariisow, waxaana si wayn loogu gorfeeyay arrimaha amniga la xiriira iyo qorshayaasha suggida ammaanka.

Khayre ayaa sheegay inta dadka reer Muqdisho ay ka walaacsan yihiin ammaankooda, islamarkaana ay muujinayaan walaac la xiriira qarax inuu ka dhaco Magaalada in hay’addaha ammaanka aysan u gudan waajibaadkooda sidii loogu talo galay.

Ra’iisal Wasaaraha wuxuu faray laamaha ammaanka masuuliyadda koowaad ee saaran inay tahay suggida ammaanka Muqdisho, laakiin sidii loogu talo galay in aanan amniga loo sugin.

“Waxa ugu horeeya oo shacabka nalaga rabo in aan qabano waxa ay tahay in aan masuuliyaddeena gudano, waa in amniga Magaalada aan wax ka qabano, waan ogahay inaad 24 saac shaqeysaan, laakiin inta dadka Magaaladan ku nool ay ka walaacsan yihiin qarax inuu ka dhaco, amniga sidii loogu talo galay ma’aanan u qaban.” Ayuu yiri Khayre

Ra’iisal Wasaare Khayre ayaa isweydiiyay su’aalo dhawr ah oo ay ka mid yihiin tirada iyo tayada ciidanka Booliska, qorshe la’aan amni inay jirto iyo su’aalo kale.

Ciidamada Booliska Somaliya oo ah ciidan aad u badan, kana hawlgala Degmooyinka Muqdisho, ayaa dadka arrimaha amniga dhaliila waxa ay sheegeen inaysan si wanaagsan u gudan shaqooyinkii loo igmaday.