SHARE

Maxkamadda Magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland ayaa Saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay Naciimo Abwaan Qorane oo ah gabar baraha bulshada wax ku qorta oo ciidamada Booliska Somaliland ay horay u xireen.

Inantan ayaa lagu soo oogay labo dambi oo Maxkamadda ay ku kala sheegtay in ay faafisay dacaayad ka dhan ah Hay’adaha Maamulka Somaliland iyo in ay dal shisheeye ka sameysay kacdoon liddi ku ah Somaliland.

Garyaqaan Mubaarig Cabdi Ismaaciil ayaa eedahaas ka hor jeediyay Maxkamadda iyada oo Maxkamadduna Saddex sano ku xukuntay Naciimo oo xukunka kahor xabsiga ku jirtay 67 maalmood.

Maxkamaddu ma sheegin in Xukunka Naciima Qorane la iibsan karo ama racfaan laga qaadan karo sida xukunno ay horay u ridday oo kale, Hay’adaha u dooda xuquuda Aadanaha ayaa dhowr jeer Somaliland ku eedeeyay in ay cabburin ku heyso dadka cabbiraya fakarkooda.

Abwaan Naciima Axmed Qorane ayaa muddo ku sugneyd Magaalada Muqdisho, waxaana markii ay dib ugu laabatay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa.

Waxa ay u ololeyn jirtay in ay Somaliland aysan ka go’in Soomaaliya inteeda kale, islamarkaana ay midoobaan Shanta Somaliya, marar badan ayay qabatay Barnaamijyo ka hadlaya wadaniyadda.