SHARE

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Xaaf ayaa Garoonka Shaati gaduud ee Magaalada Baydhabo waxaa si wayn ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa la socday ciidan gaar ah oo isaga ilaalo u ah kuwaasi oo la saarnaa diyaarada.

Xaaf ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyadda Maamulka Koonfur Galbeed oo ay kaga soo horeeyeen Madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Jubbaland.

Waxaa hadda la sugayaa Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas kaasi oo goor dhaw la filaayo inuu gaaro Magaalada Baydhabo.