SHARE

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow gaarey magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweyne Waare ee ka socda dowlad goboleedka Hishabelle ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshadda.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona Shir ay yeelan doonaan Madaxda maamul goboleedyadda oo lagu waddo in uu ka furmo Magaaladaasi.

Waxaa hore ugu sugnaa oo ka horeeyay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Madoobo oo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen magaalada Baydhabo.