SHARE

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Somaliya ayaa la sheegay nin watay Mooto Bajaaj inay ku jiireen Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho, sida dadkii goobjoogayaasha ahaa ay xaqiijiyeen.

Ciidamada oo watay gaari Cabdi Bile ah ayaa isku dayay inay ka cararaan ninka ay jiireen oo la sheegay inuu halkaasi ku dhintay, balse dadkii shacabka ahaa ayaa qayliyay oo istaajiyay gaarigii ay wateen ciidanka.

Gaariga ay wateen ciidamada ayaa wuxuu ahaa nooca Somalida u taqaan Cabdi Bilaha, waxaana uu dulmaray ninkan watay Mooto Bajaajta oo ugu dambeyn dhintay.

Maydka marxuumka ayaa halkaasi waxaa looga qaaday gaariga Cabdi bilaha ah, waxaana la sheegay inay u dhaqaaqeen dhanka Isbitaal Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Gaadiidka ciidanka Militariga ay wataan ayaa wadooyinka Magaalada gudaheeda waxa ay ku maraan xawaare dheereeya iyaga oo ka cararaya qarax miino oo ciidamada loo dhigo.

Gaadiidka Cabdi bilayaasha ah ee ciidamada ay saaran yihiin ayaa inta badan marka ay fal tacadi ah u gaystaan shacabka waxa ay isku dayaan inay cararaan, si aanan loola xisaabtamin.