SHARE

Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Qaramada Midoobey ayaa ku geeriyooday Magaalada Newyork ee dalka Mareykanka.

C/Raxiin Caabbi Faarax waxaa uu ahaa danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey intii u dhaxeysay 1965 ilaa 1972dii,waxaa uu sidoo kale soo noqday danjiraha Soomaaliya ee Adis ababa Itoobiya intii u dhaxeysay 1961dii ilaa 1965tii.

Waxaa kale oo uu soo noqday wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta intii u dhaxeysay 1979kii ilaa 1990kii,xilal kale duwan waxaa uu ka soo qabtay dowladdii Rayidka iyo tii Milatariga sidoo kalena waxaa uu xilal ka qabtay Qaramada Midoobey.

Waxaa uu ku geeriyooday da’da 99 jir,waxaana uu dhashay Sanadkii 1919kii,waxaa uu ku dhashay Magaalada Barry Gobolka Wales ee Boqortooyada UK.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Tacsi u diraya eheladii, qoysaskii iyo umadda Soomaaliyeed oo uu ka geeriyooday Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Qaramadda Midoobay Marxuum Cabdiraxiin Caabi Faarax oo ku geeriyooday magaalada New York ee dalka Maraykanka.