SHARE

Dowladda Shiinaya ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay lacag dhan 1.5 milyan oo doolar, taasoo loogu tala galay gurmadka saameynta fatahaadaha wabiyada dalka, kaasoo ay ku barakaceen boqolaal kun oo qoys.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa lacagtan ka guddoomay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr Qin Jian.

“Dawladda Shiinaha waxa ay gudoonsiinaysa Wasiirka Arrimaha Debbadda Soomaaliya lacag 1.5 milyan oo ah kaalmo beni’aadinimo oo aan doonayno wax looga qabto dadka fataahada ku saameeyey, Markii aan Warbaahinta ku arkay muuqaalada dadka fataahada saamaysay ayaan dawladayda gaarsiinay”ayuu yiri Safiirka Shiinaha Mr Qin Jian.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ay leeyihiin xiriir saaxibtinimo iyo walaaltinimo fog, isla markaana ay ka go’an tahay inay laba jibaaraan taageerada ay siiyaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa uga mahad celiyay dowladda Shiinaha deeqda lacageed ee ay soo gaarsiisay, isagoo tilmaamay in dalabkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha si dhaqse leh ay kaga soo jawaabeen.

Fatahaadaha wabiyada Shabeelle iyo Jubba ayaa saameyn ku yeeshay qoysas fara badan, iyadoo meesha ugu badan ee fataahada wabiga ka geystay ay tahay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan oo in ka badan boqol kun oo qoys ay ka barakaceen.