SHARE

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo booqasho rasmi uga bilaabatay magaalada Doxa ayaa maanta kulan la qaadan doona Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thaani.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa xalay kulan horudhac ah ay yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar oo sallaan ugu yimid Hotelka uu ka degan yahay magaalada Doxa.

Kulankan oo ah mid labo geesood ah ayaa looga hadli doonaa xiriirka labada dal, ammaanka, dhaqaalaha iyo arrimo kale oo iskaashi ah.

Waxaa la filayaa in labada dhinac ay kala saxiixdaan heshiisyo maalgashi u badan iyo mashaariic horumarineed oo ku baxaya mallaayiin doollar, waxaana ka mid ah dib u howl gelinta Shirkaddii diyaaradaha ee Somali Airline.

Kulankan ayaa noqonaya kii saddexaad ee Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar ay yeeshaan muddo sanad ka yar, waxaana labada hoggaamiye isugu dambeysay shirkii Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay Istanbul bishii December ee sanadkii hore.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo uu ku joogo dalka Qatar ayaa ah tii labaad oo rasmi ah, waxaana uu ku soo aaday, iyadoo xiisada Khaliijka ay saameyn ku yeelatay Soomaaliya, isla markaana xiriirka dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu xumaaday.