SHARE

Isgoysyada wadada wadnaha ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dib loogu soo celiyay ciidamadii xasilinta ee ka shaqeynaayay baaritaanka gaadiidka u gudba dhanka wadada Maka Al-Mukarama.

Xilli ay soo dhawdahay Bisha Barakeysan ee Ramadan, islamarkaana dowladda Somaliya ay sameyso isbedelo kala duwan oo amniga lagu adkeynaayo, maadaama suuragal ay tahay Shabaab inay fuliyaan weeraro ayaa ciidankaan dib loogu soo celiyay Isgoysyadaasi.

Ciidamada xasilinta ayaa gaadiidka ku baaraya Baraha Koontarool ee Isgosyada ah oo markii horeba ay joogi jireen, laakiin muddooyinkaan dambe laga qaaday, inkastoo hadda la soo celiyay.

Meelaha lagu arkay ciidamada xasilinta ee Gaadiidka ay ku baarayaan ayaa waxaa ka mid ah Isgoyska Hawlwadaag, Isgoyska Foloransa iyo Isgoysyada kale ee ka agdhaw halkaasi illaa Isgoyska Tarjiinka oo gaadiidka ay ku baarayaan.

Dhamaan barahan koontarool waxaa joogi jiray ciidamada Booliska markii kuwa xasilinta laga qaaday, laakiin hadda ciidamada xasilinta ayaa dib loogu soo celiyay.

Dowladda Somaliya ayaa wada qorshe ku aadan suggida ammaanka Magaalada Muqdisho oo ay macquul tahay in Bisha Ramadaan Shabaab ay sameeyaan isku dayo lidi ku ah dhanka ammaanka.