SHARE

Madaxweynaha DFS, Maxamed C/lalahi Framaajo ayaa ballan qaaday Hubaal ka dhigista inay Somalia ka dhici doonto Doorashadda soo socota, iyada oo uu dalka yeeshay Dastuur Cusub.

Ballan-qaadka Madaxweynaha waxaa shalay shaaciyey Guddoomiyaha BFS, ahna Ku-simaha Madaxweynaha, Maxamed Mursal C/raxmaan oo ku hadlayey magaca Madaxweyne Farnmaajo.

Guddoomiye Mursal ayaa hadalkaasi ka jeediyey Shirweynihii Dib-u-eegista Dastuurka ee muddada 3-da maalmood ka socday magaalladda Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Hadalkiisa ku sheegay in baadi-goobka Dastuurka cusub uu qaadatay muddo dheer tan iyo markii diyaarintiisa laga bilaabay dalka Jabuuti sannadkii 2000-.

Waxa uu ku baaqay inay waajib tahay in aad loo dedejiyo Dhamaystirka Guud ee Dastuurka Cusub, iyadoo Jadwalka Dib-u-eegistiisa la rajeynayo in Dukumentiga cusub uu diyaar noqon doono dhamaadka sannadkan 2018-ka.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu xusay in ay Mamaulkiisa ka go’an tahay sidii loo dhamaystiri lahaa dadaalkaasi sida uu jadwalku yahay.